Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka, ay 12-kii Agoosto howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Sida lagu sheegay warbixin ay NISA soo saartay, howlgalka ayaa ka dhacay guri ay hay’addu sheegtay inay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna hay’addu sheegtay in howlgalka lagu dilay saddex xubnood, halka dhowr kalena lagu dhaawacay.
NISA waxay magacyada dadka ay sheegtay in lagu dilay howlgalka ku kala sheegtay Cabdi Xaafid, oo ay ku tilmaantay inuu ka tirsanaa qaybta qaraxyada; Daalibaan, oo ay sheegtay inuu ka tirsanaa qaybta gurmadka gobolka Hiiraan; iyo Cumar Xuseen, oo ay ku tilmaantay horjooge ka tirsanaa waxa kooxda loogu yeero Jabhadaha.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in Mustaf Caato, oo ay ku tilmaantay madaxa guud ee Jabhadaha gobolka Hiiraan, uu dhaawac culus ka soo gaaray howlgalka.
Sida bayaanka NISA lagu sheegay, Caato ayaa markii dambe laga qaaday Maxaas, waxaana loo gudbiyay degmada Ceelbuur si loogu daweeyo.
NISA waxay Mustaf Caato ku eedeysay inuu muddo ku lug lahaa qorsheynta iyo isku-dubbaridka weerarrada Al-Shabaab, iyadoo sheegtay inuu horey u maamulayay qaybaha qaraxyada iyo weerarrada ismiidaaminta.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in Maxamed Eeney iyo Salaad Buur ay dhaawacyo culus ka soo gaareen howlgalka.
Warbixinta NISA waxay howlgalka ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda iyo hoggaanka Al-Shabaab, gaar ahaan xubnaha loo arko inay door muhiim ah ku leeyihiin abaabulka iyo fulinta weerarrada.
Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta ku saabsan tirada khasaaraha, xaaladda dhaawacyada iyo muhiimadda xubnaha la sheegay in lagu dilay ama lagu dhaawacay ayaa ku saleysan bayaanka NISA.