U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Guud ee AfCFTA

Ogoosto 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Wamkele Mene, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya uga furmaya ku biirista nidaamka ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay muhiim tahay in heshiisyada ganacsi loo beddelo wax-soo-saar iyo fursado dhaqaale oo si toos ah uga faa’iideysta shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in booqashada Xoghayaha Guud ee AfCFTA ay ku soo beegantay xilli muhiim ah, kaddib go’aanka Soomaaliya ay qaadatay ee ku aaddan ka mid noqoshada nidaamka ganacsiga xorta ah ee Afrika.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad cusub oo dhaqaale, iyadoo dowladda ay xoogga saarayso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, xoojinta hay’adaha dowladda, kobcinta maalgashiga iyo kordhinta wax-soo-saarka gudaha.

Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa wafdiga AfCFTA u soo bandhigay fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya, gaar ahaan xeebta dheer ee dalka, dekedaha istiraatiijiga ah iyo khayraadka dabiiciga ah.

Dowladdu waxay sheegtay inay mudnaanta siinayso kor u qaadista wax-soo-saarka gudaha, gaar ahaan beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, si badeecooyinka Soomaaliya loo gaarsiiyo heerar tayo oo u saamaxaya inay si tartan leh uga qeyb galaan suuqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee AfCFTA, Wamkele Mene, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay horumarka ka socda kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo wax-soo-saarka, hay’adaha dowladda iyo qorshayaasha lagu casriyeynayo dalka.

Booqashada Xoghayaha Guud ee AfCFTA ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay raadineyso inay si weyn uga faa’iideysato suuqa mideysan ee qaaradda Afrika, iyadoo fursad loo arko in ganacsiga xorta ahi uu kordhin karo maalgashiga, wax-soo-saarka gudaha iyo isku-xirka ganacsatada Soomaaliyeed iyo suuqyada Afrika.