Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA), iyadoo taageero ka heleysa saaxiibbo caalami ah, ayaa sheegtay inay howlgal qorshaysan ka fulisay deegaanka Fidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay hay’addu sheegtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen, ayadoo NISA ay sheegtay in xubnihii ku jiray guriga lagu dilay howlgalka.
Hay’addu faahfaahin dheeraad ah kama bixin tirada dadka lagu dilay howlgalka, cidda ay ahaayeen ama nooca taageerada ay ka heshay saaxiibbada caalamiga ah.