Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusayey xiriika ku salaysan iskaashi diblumaasiyadeed iyo walaaltinnimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye, kaasi oo 15 sano ay ka soo wareegtay markii dib-loo sii xoojiyey.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Shan iyo Tobban sano ka hor uu dalkeennu ku jiray mid ka mid ah marxaladihii ugu adkaa ee taariikh deenna, xilligaasi oo dalka ay ka jireen abaaro, macaluul iyo amni-darro ba’an, balse 19 Agoosto 2011, Ra’iisul Wasaarihii xilligaas ee dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan uu qaatay go’aan adag, isla markaana uu booqasho taariikhi ah oo xambaarsan farriin cad oo ah in aysan dadka Soomaaliyeed kaligood ahayn ku yimid caasimadda Muqdisho.
“Soomaaliya waxa ay farriintaasi u furtay bog cusub, muddo kooban kadib waxa uu xiriirkaasi isku beddelay iskaashi, istaraatiiji ah oo dhinacyo badan taabanaya, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Amniga iyo Ganacsiga. 15-sano kadib, xiiirka Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu astaan u yahay saaxiibtinnimo dhab ah, iskaashi xooggan iyada oo walaalaha Turkiga ay xilliyada adag garab u yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in maalgelinnada ugu saameynta badan oo ay dowladda Türkiye ku samaysay Soomaaliya ay tahay maalgalinta dadka, iyada oo Kumannaan arday Soomaaliyeed ay wax-kusoo barteen Turkiga, waxa ayna dalka kusoo laabteen iyaga oo dhakhaatiir, Enjineerro, macallimiin iyo aqoonyahanno ah.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in dalkeennu uu ku yaallo goob juqraafiyeed oo istaraatiiji ah ayna leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, bulsho dhallinyaro u badan, Kalluun, dhul-beereed baaxad weyn elh iyo fursado kale oo dhinaca tamarta looga faa’iideysan karo, waxa uuna xusay in ay dowladdu diyaarisay qorshayaal fursadahaas loogu bedelayo wax-soo-saar, shaqo abuur iyo ganacsi, taasi oo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga u bedelaysa iskaashi dhaliya barwaaqo sooran.