Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Qatar.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Inta uu ku sugan yahay Qatar, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee dowladda Qatar, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka caalamka.