Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Gobolka ee Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (IFAD) u qaabilsan Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika, Yurub iyo Bartamaha Aasiya, Naoufel Telahigue.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo IFAD, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta beeraha iyo xoolaha, sugnaanta cuntada iyo la-qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Agaasimaha Gobolka ee IFAD ayaa ka wada hadlay taageerada beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo bulshada nugul, iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda horumarineed ee IFAD ka fuliso Soomaaliya.
Dhinacyadu waxay sidoo kale isla soo qaadeen xoojinta awoodda hay’adaha dowladda iyo kordhinta maalgelinta lagu horumarinayo beeraha, biyaha iyo suuqyada, si loo abuuro fursado dhaqaale oo dheeraad ah, gaar ahaan bulshada reer guuraaga ah.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta wax-soo-saarka gudaha iyo yareynta nuglaanta bulshada ee ka dhalata isbeddelka cimilada iyo caqabadaha dhanka sugnaanta cuntada.