U bood dhigaalka

Israa’iil oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan meelo ay Soomaaliland ku jirto

Sebteembar 6, 2026


Golaha Amniga Qaranka ee Maamulka Israa’iil ayaa soo saaray qiimeyn cusub oo ku saabsan khataraha amni ee Israa’iiliyiinta iyo dadka Yuhuudda ah ee dibadda ku sugan, xilli maamulkaasi uu galay xilliga ciidaha Yuhuudda.


Golaha ayaa sheegay in hanjabaadaha ka imanaya kooxaha hubeysan iyo weeraryahannada kali-taliska ah ay sii kordhayaan, gaar ahaan marka la eego xiisadaha ka dhex jira Israa’iil, Iiraan iyo kooxaha ay taageerto.

Golaha ayaa Soomaaliland, Jordan, Qatar iyo Masar oo ay ku jirto Jasiiradda Sinai ku tilmaamay dalal ama goobo leh digniinta safarka ee Heerka 4-aad, taas oo ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee digniinta Israa’iil.

Israa’iiliyiinta ayaa lagu boorriyay inay ka fogaadaan safarka ama joogitaanka meelahaas, sidoo kalena ay ka fogaadaan duullimaadyada transit-ka ah ee mara dalalka ku jira heerkan haddii ay heli karaan waddo kale.

Qofka qasab ku noqda inuu transit ku maro meel Level 4 ahna waxaa lagu amray inuusan ka bixin terminal-ka garoonka diyaaradaha.

Golaha ayaa sheegay in qiimeyntan ay qayb ka tahay digniin ku saabsan xaaladda guud ee amni ee caalamka, iyadoo Iran iyo kooxaha ay taageerto lagu tilmaamay inay yihiin khatarta ugu weyn ee Israel ka walaacsan tahay.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Xamaas ay isku dayayso inay dhisto kaabayaal weerarro ka fulin kara Yurub iyo meelo kale, halka kooxaha sida Daacish iyo Al-Qaacida ay sii wadaan baaqyada ku aaddan weerarrada ka dhanka ah dadka Yuhuudda ah.

Dhanka kale, Golaha Amniga Qaranka Israel wuxuu sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay baaqyo ku aaddan weerarro ka dhan ah Israa’iiliyiinta u jeediyeen dadka u safra Somaliland iyo meelo kale oo Afrika ah, iyadoo ay ku sababeeyeen aragtidooda ku aaddan joogitaanka Israel ee qaaradda Afrika.

Marka laga yimaado Somaliland iyo dalalka lagu sheegay Level 4, Israa’iil waxay sheegtay in Ciraaq, Yemen, Iiraan, Suuriya iyo Lubnaan ay yihiin goobo ay muwaadiniinteeda sharci ahaan ka mamnuuc tahay inay u safraan.

Sidoo kale waxaa Israa’iiliyiinta lagula taliyay inay ka fogaadaan dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Bangladesh, Pakistan, Afghanistan, Liibiya iyo Aljeeriya sababo la xiriira khataraha amni.

Golaha ayaa intaas ku daray talooyin amni oo ay tahay inay raacaan Israa’iiliyiinta ku sugan dibadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin inaysan si muuqata u soo bandhigin astaamo muujinaya Israa’iili-nimo ama Yuhuudnimo, aysan baraha bulshada ku faafin goobta ay waqtigaas joogaan, isla markaana ay feejignaan dheeraad ah ka muujiyaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka Yuhuudda ah sida masaajidaha.

Waxaa muhiim ah in la xuso in Golaha Amniga Qaranka Israa’iil uu caddeeyay in bayaankan uusan ahayn soo saarista liis cusub oo digniino safar ah, balse uu yahay qiimeyn iyo cusbooneysiin lagu wacyigelinayo muwaadiniinta khataraha jira iyo meelaha ay horeba digniinaha uga jireen.

Digniintan ayaa Somaliland kusoo beegmeysa xilli ay gobolka Geeska Afrika ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, iyadoo qiimeynta Israa’iil ay si gaar ah u xustay khatarta loo arko inay ka iman karto weerarro lagu bartilmaameedsado Israa’iiliyiinta ku sugan ama u safraya Somaliland.

Sidoo kale digniintan ayaa imaanaysa xilli Israa’iil ay dhowaan xariir muran badan la dhaliyay la yeelatay oo aqoonsatay maamulka uu cirro hoggaamiyo ee Soomaaliland ka taliya.