U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Turkiga oo Iska kaashanaya La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah

Sebteembar 13, 2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, ayaa kulan la yeeshay Deniz Demir, oo ah isku-duwaha Xarunta La-dagaallanka Macluumaadka Marin-habaabinta iyo Wararka Been-abuurka ah ee Madaxtooyada Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca warfaafinta, gaar ahaan ka hortagga faafinta xogaha marin-habaabinta iyo wararka been-abuurka ah ee bulshada lagu dhex faafiyo.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay wadaagista khibradaha, horumarinta awoodda hay’adaha warfaafinta iyo dhisidda hannaan lagu xaqiijiyo saxnaanta macluumaadka dadweynaha loo gudbinayo.

Soomaaliya ayaa wajahaysa koror ku yimid wararka been-abuurka ah, gaar ahaan kuwa lagu faafiyo baraha bulshada, kuwaas oo saamayn kara amniga, kalsoonida bulshada iyo wadajirka dalka.

Kulanka lagama shaacin heshiis cusub, barnaamij gaar ah ama jadwal lagu fulinayo iskaashiga la qorsheeyey. Hase yeeshee, wuxuu qayb ka yahay xiriirka sii ballaaranaya ee Soomaaliya iyo Turkiga ee warfaafinta iyo isgaarsiinta.