U bood dhigaalka

SUUDAAN: Duqayn dishay 80 qof, iyadoo laga cabsi qabo in dad Soomaali ah ay ku jiraan khasaaraha

Oktoobar 19, 2026


Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay duqayn loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) oo ka dhacday meel u dhow suuq ku yaalla magaalada Al-Dibab ee gobolka Kordofaan Galbeed ee dalka Suudaan, sida ay Isniintii sheegeen ilo caafimaad iyo goobjooge la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Weerarka oo dhacay fiidnimadii Axadda ayaa lagu bartilmaameedsaday goob gaadiid laga raaco, halkaas oo dadku isugu yimaadaan si ay ugu laabtaan tuulooyinkooda marka ay dhammeeyaan maalinta suuqa.

Goobjooge lagu magacaabo Axmed Abakar Wadi ayaa sheegay inuu ka qayb qaatay aasidda meydadka 50 qof, oo uu ku jiro walaalkiis Maxamed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jireen Soomaali meesha ku laheyd ganacsiyo kala duwan.

Sida uu sheegay goobjooguhu, 47 qof oo kale ayaa loo qaaday magaalada Al-Mujlad si loogu daweeyo, hase yeeshee 30 ka mid ah ayaa dhaawacyadooda u geeriyooday, sida uu xaqiijiyay ilo caafimaad oo la hadlay AFP.

Dhakhtar ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo sababo amni awgood ayaa sheegay in tirada guud ee dadka ku dhintay weerarka Al-Dibab ay gaartay 80 qof. Waxa uu sidoo kale sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen duqayn kale oo ka dhacday Al-Mujlad, kuwaas oo la daweynayay.

Dhanka kale, duqayn kale oo diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ka dhacday xaafadda Nasser Extension, oo ku taalla bariga garoonka diyaaradaha ee caasimadda Khartoum.

Ilo caafimaad ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay saddex carruur ah oo da’doodu u dhexeysay laba ilaa lix sano, iyo nin kale, kaddib markii diyaaraddu weerartay guri ku yaalla xaafaddaas.
Maamulka Tasis, oo ay ku dhawaaqeen xoogagga gurmadka degdegga ah ee RSF, ayaa ciidamada milatariga Suudaan ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqaynta Al-Dibab. Hase yeeshee, eedeyntaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada milatariga Suudaan iyo RSF ayaa dalka ka socday tan iyo Abriil 2023, waxaana uu sababay dhimasho badan, barakac baahsan iyo xaalad bani’aadantinimo oo aad u daran.

Shaqaalaha gargaarka bani’aadantinimo ayaa qiyaasaya in dagaalku sababay dhimashada in ka badan 200,000 oo qof, isla markaana uu abuuray mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn