Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Baqdaad kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Fu’aad Xuseen, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad, intii uu socday kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxaana labada wasiir ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq, si loo xoojiyo wada-shaqeynta labada dowladood.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhaqaalaha iyo beeraha, kuwaas oo loo arko dhinacyo fursado u abuuri kara horumarinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee labada waddan.
Dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ku muujisay rabitaankeeda ah inay bilowdo dhoofinta xoolaha nool ee loo iibgeeyo dalka Ciraaq, ayadoo tallaabadani ay qayb ka noqon karta dadaallada lagu ballaarinayo suuqyada caalamiga ah ee xoolaha Soomaaliyeed, inkasta oo aan faahfaahin laga bixin waqtiga la bilaabayo dhoofinta ama heshiisyada farsamo ee arrintaas la xiriira.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Ciraaq soo dhoweynta diirran iyo martigelinta kulanka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la doonayo in wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Ciraaq ay ka gudubto xiriirka siyaasadeed, una gudubto iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo mid wax-soo-saar leh.