U bood dhigaalka

Wasaaradda Warfaafinta oo digniin u dirtay warbaahinta iyo maamulayaasha baraha bulshada

Oktoobar 19, 2026

Muqdisho, 19-ka Oktoobar 2026: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag u dirtay hay’adaha warbaahinta, mareegaha iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada ee ay sheegtay inay si ula kac ah u faafiyaan dacaayadaha argagixisada iyo maleeshiyaadka hubaysan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in digniintan ay salka ku hayso shuruucda dalka, oo ay ku jiraan Sharciga Saxaafadda, Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerarka kale ee la xiriira ka-hortagga maalgelinta argagixisada.

Qoraal ay soo saartay Wasaaraddu ayay ku sheegtay in aan la aqbali karin in warbaahinta iyo baraha bulshada loo adeegsado abaabulka weerarro, dhiirrigelinta ku biirista kooxaha argagixisada ama kicinta rabshado hubaysan oo khatar ku ah amniga dalka, isla markaana sababi kara barakaca shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in cid kasta oo lagu helo inay si ula kac ah warbaahinta ama baraha bulshada ugu adeegsatay falal dembiyeed oo noocaas ah laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga, iyadoo la tixgelinayo caddaymaha la hayo iyo mas’uuliyadda qofka.

Sidoo kale, waxay sheegtay in dadka lagu helo inay taageero maaliyadeed siiyeen kooxaha argagixisada ama ay ka qaybqaateen maalgelintooda la horkeeni doono caddaaladda, haddii ay jiraan caddaymo ku filan oo sharciga waafaqsan.

Ugu dambayn, Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu baaqday hay’adaha warbaahinta iyo maamulayaasha akoonnada baraha bulshada inay ka fogaadaan faafinta waxyaabaha ay Wasaaraddu ku tilmaantay dacaayadaha argagixisada, isla markaana ay dhowraan shuruucda dalka iyo anshaxa saxaafadda.