In ka badan 160 qof ayaa la soo sheegay in lagu dilay weerarro isdaba-joog ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen qaybo kala duwan oo ka tirsan dalka Suudaan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo warar kale ay sheegayaan in dadka ku dhintay weerarrada qaarkood ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.
Sida ay baahisay warbaahinta maxalliga ahi 19-kii Oktoobar 2026, weerarrada ayaa lagu eedeeyay dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan, oo kala ah ciidamada milatariga dowladda iyo xoogagga gurmadka degdegga ah ee RSF.
Weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu khasaaraha badnaa ayaa fiidnimadii Axadda ka dhacay agagaarka suuqa magaalada Al-Dibab ee gobolka Kordofan Galbeed, halkaas oo diyaarad aan duuliye lahayn ay beegsatay goob ay dadku isugu yimaadeen si ay gaadiid ugu raacaan guryahooda kaddib markii ay suuqa ka soo laabteen.
Dadka deegaanka iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 80 qof, halka 47 qof oo dhaawacmay loo qaaday magaalada Al-Mujlad.
Ilo caafimaad ayaa sheegay in 30 ka mid ah dhaawacyadaasi ay markii dambe u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, ayadoo kooxda ay RSF ciidamada milatariga ku eedeysay inay ka dambeeyeen weerarka.
Dhanka kale, gobolka Blue Nile, weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo Jimcihii lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah ayaa la sheegay inuu dilay 41 qof. Kooxda Emergency Lawyers ayaa weerarka ku tilmaantay musiibo bani’aadannimo.
Magaalada Nyala ee gobolka Koonfurta Daarfuur ayaa iyaduna la kulantay weerar kale oo dhacay Isniintii, kaas oo ay ilo caafimaad iyo kuwo RSF ah sheegeen in lagu diley 17 qof, oo ay ku jiraan toddobo sarkaal oo ka tirsan xoogaggaas, halka 23 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarrada ayaa sidoo kale walaac ku abuuraya Soomaalida ku nool Suudaan, oo ay ku jiraan ganacsato iyo dad kale oo noloshooda ka raadsada dalkaas.
Warbixin ay baahisay Radio Tamazuj 19-kii Oktoobar ayaa sheegtay in weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qaaday suuqa Amiet ee gobolka lagu muransan yahay ee Abyei, halkaas oo ugu yaraan 73 qof lagu dilay, 19 kalena lagu dhaawacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin deegaanka ah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 13 milyan oo qof ay ku barakaceen colaadda, halka 33.7 milyan oo qof, oo ay ku jiraan 17.3 milyan oo carruur ah, ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.
Waxaa sidoo kale la qiyaasayaa in 825,000 oo carruur ah ay wajahayaan nafaqo-darro ba’an,
iyadoo dagaalku sii socdo, weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahaynna ay sii kordhinayaan khatarta ku wajahan dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan ajaanibta iyo Soomaalida ku nool dalkaas.