U bood dhigaalka

4 Qof Oo Aano Qabiil Loogu Dilay Mudug

Sheeko:Dalka

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa deegaanno kamid ah gobolka Mudug aano qabiil loogu dilay 4 ruux oo la sheegay iney ahaayeen shacab.

Nabadoon Cali Geelle oo kamid ah waxgaradka gobolkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadkaan lagu kala dilay deegaannada Saaxo iyo sidoo kale Godo oo Mudug ka tirsan.

Wuxuu tilmaamay Nabadoonka in Labada ruux ee lagu dilay deegaanka Godod ay dileen maleeshiyaad wata gaari dagaal oo ku sumadeysan astaanta maamulka Puntland.

“Shacab aan waxbo galabsan ayaa la iska leynayaa, habeen iyo maalin waxaa socda dilalka rayidka, ragga wax dilayana waa Puntland sababtoo ah gaadiidkoodii bay wataan” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Geelle ayaa ugu baaqay maamulka Puntland iney wax ka qabtaan arrintan ku aadan maleeshiyaadka kasoo jeeda deegaannada maamulkaasi ee weerarka ku ah rayid aan waxbo galabsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Deegaanno ka tirsan Mudug waxa ka jira xiisad u dhaxeysa beello kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug, xilli waxgaradkana ay wadaan dedaal arrintaasi lagu daminayo.

Goobjoog News