U bood dhigaalka

5 Katirsan Saraakiisha Kenya Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Xaduudka Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Shan ka tirsan saraakiisha ciidamada Kenya qeybta amniga ayaa lagu dilay gudaha Liboi ee Gaarisa, ka dib markii gaari ay la socdeen ay la kacday Miino dhulka lagu aasay.

Harun Kamau oo ah ku xigeenka duqa Dhadhaab ayaa sheegay in qaraxaan  uu dhaawac culus gaarsiiyay saddex kale oo ka tirsan Saraakiisha Kenya, waxaa uu tilmaamay in markii uu dhacay weerarkan ay ciidamadu ku jieen gudashada waajibaadkooda iyaga oo sameynayey roondo.

“Weerarka waxaa uu dhacay saakay Subaxii waxaana lala beegsaday Saraakiil sameynayey Roondo caadi ah, waan ka xunnahay waxaan weynay shan ka mid ah Saraakiisha, halka saddex kale ay soo gaartay waxyeello” sidaasi waxaa yiri Mr Kamau.

Weerarka waxaa uu dhacay ku dhowaad saddex saac oo subaxnimo xilliga Harar ee Liboi, isaga oo ka dhacay meel Mitirro yar u jirta xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Harun Kamau ayaa sheegay in saraakiisha dhaawacantay loo qaadi doono Nairobi si ay u helaan daaweyn gaar ah, ku xigeenka duqa Liboi waxaa uu sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay u direen ciidamo gurmad ah si ay gacanta ugu soo dhigaan xubno ka tirsan xarakada Al-shabaab oo looga shakiyey in ay ka dambeeyaan weerarka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada