U bood dhigaalka

5 Ruux Oo Gaajo Ugu Geeriyoodey Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Shan ruux ay gaajo ugu dhinteen deegaanka Hamcaduur ee gobolkaasi, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Ugaas Salaad Maxame Rooble oo kamid ah odoyaasha dhaqanka ee deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in sidoo kale ay jiraan dad kale oo noloshooda halis ku jirta.

Waxa uu sheegay Ugaas in abaarta ka jirta deegaannada Galgaduud ay sabab u tahay raashiin la’aanta ay dadkan u dhimanayaan.

“24 Saac gudaheed 5 ruux ayaa u udhimatay gaajo, waxaa ku jira carruur, kuwo kalena waa loo baqayaa iney dhintaan haddii aan degdeg wax loogu qaban, deegaanka Habcaduur waxaa ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah” ayuu yiri Ugaaska.

Ugu dambeyn Ugaas Salaad ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabvka Soomaaliyeed in gurmad degdeg ah la soo gaaraan shacabka ku dhibban deegaanka Habcaduur ee Galgaduud.

Goobjoog News