U bood dhigaalka

Galmudug: 50 Xildhibaan Oo Madaxweyne Guuleed Ka Gudbisay Mooshin

Sheeko:Dalka, War

50 Xildhibaan oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa mooshin xil ka xayuubin ah ka gudbiyay madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xildhibaan Shariif Maxamed Tahliil oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in xildhibaannadu gudanayaan waajibaadkooda shaqo isla markaana aaney ogleyn wax fasax ah, fadhiyada baarlamaanka Galmudugna uu dhacayo, maadaama guddoomiye ku xigeenkii iyo kooram labadaba ay isla heystan:

“Xildhibaannadu waxay gudanayaan waajibaadkoodii howl maalmeed oo dalka iyo dadka ay wakiilka uga ahaayeen, kulankuna waxa uu ku saabsanaa in uu furmo kalfadhiggii kooramkii iyo tiradii la rabay way yimaaddeen, kulankiina wuu furmay, waxaa looga hadlaayay Galmudug hoggaankeedii baa shaqeyn waayay, dadka iyo dalka u adeegi waayay, marka in la saxo ujeedadu taas weeye”.

Waxa uu xildhibaanku xusay in doorashada Soomaaliya waajibaadkii ku aaddaan ay ka guteen, isla markaan aaney ahayn shaqada Galmdug in loo hakiyo doorashadaa darteed:

“Doorashadu Muqdisho ayay ka dhacaysaa annagu xilligeedii waanu soo gudannay, arrintaasi waxa weeyaan arrin la doonayo in lagu baabi’iyo lagu joojiyo waxqabadka Galmudug, waa warqad sharci darro ah maanta kulankii la iskugu yimidna aadbaa looga wadahadlayay cid walbaa garan karta, maamul goboleedyadii kale shaqadii baa ka socota, dooshada Xamar ka jirta maxaa naga khuseeya, maxaa keenaya in Galmudug kaliya la yiraahdo ma shaqeyn kartaan”.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayuu ku eedeeyay iney Xamar iska fadhiyaan xilli uu dadku u baahnaa:

“In mas’uuliyiinta Galmudug Xamar iska fadhiyaan oo ay xafiisyo ka furtaan, iyadoo laga yaabo in dagaannadoodii Bil iyo Lababilood deegaankoodii cagta saarin, halkaa mas’uuliyad darro ayaa ka jirta, annaguna waxaan dooneynaa xilli adag baa lagu jiraaye ummadda haloo shaqeeyo”.

“Marka uu hadda abaarta ku jiro marka dadka laga tago oo aan inta la shaqeyn caalamka la tusin, oo wixii la hayo la gaarsiin, ma markii roob da’o ayaan tugeynaa oo aan leenahay annagaa mas’uul idinka ah, waxaad arki kartaa mas’uuliyad darrada ay ku fakarayaan madaxda qaar ka mid ah, guddoomiyuhu arrinkaa uu shalay sameeyayna wuu ku khaldamay mana ahayn waajibaad looga baahnaa baarlamaanka Galmudug, wakiilna codkaa noogama aha, codka wakiilka naga ah waa midka leh halla shaqeeyo, shacabka halloo adeego hadduu ooman yahay halla dhex joogo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sheegay xildhibaanku in guddoomiye Casir marka uu go’aanno soo saarayo in ay tahay Galmudug inuu joogo, laakiin mar haddii la gaaro xilligii uu furmayay kalfadhigga guddoomiyuhuna uu maqan yahay waxaa xilka sii wadaya guddoomiye ku xigeennada 1-aad, shaqadu way soconeysaa qofna uma istaagayso.

Xildhibaan Shariif ayaa si cad u sheegay iney jiraan xildhibaanno mooshin ka keenay madaxweyne Guuleed:

“50 xildhibaan baa soo gudbisay, kabadanna waa joogaan, 89 xildhibaan baa ka jirta Galmudug,hal nin baa ka maqan oo waa dhaweyto ka tagay, mid iyo Labo mooyaane 88 xildhibaan ee Galmudug danteeda iney ku kala qeybsamayaan ma aaminsani, in Galmudug loo gurmado ummadda shacabka ah ee dhibaateysan xildhibaannadu isku aragti ayay ka yihiin arrintaas “.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in ay jiraan isku dayo la doonayo in lagu fashilo fadhiyadooda baarlamaanka:

“Xal waxay bideen in ay la dagaalamaan in aan la kulmin in aan la shirin, in aan la isku imaan, waxaan leenahay caalamku ha arkeen, madaxda qaranku ha arkeen, musharrixiintu ha arkeen, kii noqdaa ha arko shacabka Galmudug ha arko, shacabka Soomaaliyeed ha arko, shacabka Soomaaliyeed ha arkeen, xal ma noqoneyso in la yiraahdo waxaa lala dagaallamayaa sharcigii, baarlamaanka haddii lala dagaallamo sharcigii baa lala dagaallamayaa, waxa lagula dagaalamayaana waa yaanuu mooshin naga keenin”.

Si kastaba, waxaa jiray in maalinimadii shalay warqad uu soo saaray madaxweyne Guuleed oo sheegay in howlihii shaqo ee Galmudug u istaagtay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya darteed, iyadoo sidoo kalena guddoomiye Casir uu soo saaray warqad uu 45 maalmood ugu kurdhinayo fasaxii baarlamaanka maamulka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada