U bood dhigaalka

7 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey 7 qof oo u badan dad isku qoys ah, kuwaasi oo saarnaa gaari Dameer, kuna soo jeeday dhanka degmada Buuloburde.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde, Cabdi Daahir Guure ayaa Goobjoog News u sheegay in dadka dhintay ay Lix ka mid ah ahaayeen isku qoys, waxaana Afar ka mid ah dadkaasi ahaayeen carruur.

Miinada ayaa dhulka ku aasneyd, waxaana ku istaagay gaari Dameerka sidaasi ayeeyna ku qaraxday.

Marar badan sidan oo kale, shacab aan waxbo galabsan ayaa Miino dhul lagu aasay kula qaraxday gobollada dalka qaarkood.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada