U bood dhigaalka

(Dhageyso+Sawirro): Madax ka tirsan Dowladda FS oo ka qeyb galay soo xiritaanka koobka ciyaaraha oo Gaalkacyo ka socday

Sheeko:Cayaaraha

Gaalkacyo ee Galmudug waxaa lagu soo gunaanaday koobka degmooyinka Galmudug, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Galmudug.

Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo xiritaanka Koobkaasi ay ku wada dheelayeen degmooyinka gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa galabta magaalada Gaalkacyo kaga qeyb galay soo xiritaanka koobka.

Senator Abshir Axmed ayaa bogaadiyay ciyaaraha oo qeyb libaax leh ka qaadan kara isdhexgalka bulshada Galmudug.

Wuxuu dhallinyarada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan isdhexgalka bulshada hormuudna u noqdaan horumarka degaanka, islamarkaana wax badan oo arrimaha dhallinta quseeya kaalin uu ka qaadanayo.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare senator Abshir Maxamed Axmed ayaa sheegay in tani ay tahay wax faraxgelinaya dhallinyarada, isagoo ku dhiiragaliyay in wasaaradda ciyaaraha Galmudug in koobabkani oo kale dhallinta loo qabto.

Ciyaartii u dambeeysay waxaa galabta wada ciyaaray kulalka ka kala dhisan degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbal iyadoo guusha ay raacday Gaalkacyo.

Dhanka kale, waxaa madasha ku sugnaa madaxweyne xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdirashiid Cartan, duqa Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Galmudug.

Wasiir xigeenka ciyaaraha Galmudug ahna ku simaha wasiirka ee wasaaraddaasi Abshir Cabdi Sheekhoow oo Goobjoog News ujeedka koobkaani loo qabtay ay ka wareysatay ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan ay qaban doonaan horyaalka Galmudug.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA:

 

GOOBJOOG NEWS

Mawduucyada:Gobollada