U bood dhigaalka

Aadan Yabaal oo si rasmi u soo gashay gacanta dowladda

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka iyo ah ayaa Al-shabaab ka saaray degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana dowladdu ay sheegtay in si buuxda ay ula wareegtay degmada, kadib howlgallo qaatay in 48 saac oo ay wadeen ciidanka huwanta ah ee ee gulufka ku qaaday Aadan Yabaal oo muddo ay maamulayeen.

Degmadaan oo ku taalla xadka gobolka Shabeellaha dhexe uu la wadaago gobolka Hiiraan ayaa waxaahowlgallada socda ay u leedahay muhiimad weyn, iyadoo la oran karo waa degmadii ugu dambeysay oo Al-shabaab ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeellaha dhexe, maadaama ay ku taallo halka ay isaga xirmaan gobollada Shabeellaha, Hiiraan iyo Galgaduud.

Marka laga anboqaado in ciidamada ku sugan Hiiraan ee howlgallada ka wada ay ku sugan yihiin deegaanka Mubaax oo ku yaalla xadka gobolka, waxaan jirin Al-shabaab ku sugan degmooyinka deegaannada Hirshabeelle, marka laga reebo tiro ay kaga sugan yihiin deegaannada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku sugan degmada Matabaan oo ku taalla  xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaa kale oo dowladda gacanteeda ku jira degamada Balcad oo ah ku taalla xadka gobollada Shabeellaha dhexe Hiiraan iyo gobolka Banaadir, taas oo ka dhigan in Al-shabaab laga saaray Hirshabeelle waxyar mooye.

Degmadaan oo qiyaastii 220km u jirta caasimadda ayaa ayaa qabsashadeeda waxaa ay dowladda u sahleysaa in Galmudug sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Al-shabaab, madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhowaan booqday Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay in labadaan maamul sida ugu dhaqsiyaha badan Al-shabaab looga saarayo.

Ciidanka degmada la wareegay oo isugu jira Kumaandooska Danab, Gorgor iyo kuwa deegaanka ayaa horay ula wareegay deegaannada Masaajidka Caliguduud iyo Nuurdugle, waxaana howlgalka gobolka Shabeellaha dhexe xudun u ahaa Cadale oo ah saldhiggii ay ka duulayeen ciidanka, iyagoo Al-shabaab dhowr jeer kula dagaalamay gobolka.

Al-shabaab ayaa hadda degmooyin muhiim ah kaga suga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee deegaannada Galmudug oo deegaanno dhowr ah horay looga saaray, degmooyinka Ceelbuur iyo Xaradheere oo Galgaduud iyo Mudug in laga saaro ayaa ka dhigi doonta in Al-shabaab ay ku adkaato in ay joogaan deegaannada labadaan Maamul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii la doortay waxaa uu sheegay in Al-shabaab laba sano uu kaga saarayo dalka, muddo lix bilood ah uu xafiiska joogay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa Alshabaab ka saaray deegaanno badan ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Galgaduud.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada