Abaarta Ka Jirta Gobolka Bari Oo Saameysay Waxbarashadii Gobolkaasi

Guddoomiyaha Wabarashada degmada Qardho ee gobolka Bari, Saciid Maxamed Faahiye oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in abaarta saameynta ballaaran ku yeelatay dadka iyo duunyada ay sidoo kale saameysay habsami u socoka waxbarashada.

Waxa uu xusay guddoomiyaha in waalidiinta qaar ay ku tiirsanaayeen wax soo saarka xoolaha ay xilligaan dhibaato badan ka haysato bixinta lacagaha iskuulada, maadaama xoolihii ay ku tiirsanaayeen qaarna ay ka baaba’een halka qaarka kalena aan la iibgeyn karin.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Faahiye in ardayda qaar ay iskuullada kaga maqan yihiin xanuunada faafa oo ku dhacay kadib xaalado caafimaad darro oo abaarta ka dhalatay.

“Abaarta dalka ka jirta saameyn badan bay ku yeelatay waxbarashadii dalka, haddii ay ahaan lahayd dhanka caafimaadka ardayga ama dhanka qarashka waxbarashada, waalidiinta qaar waa ay awoodi waayeen iney ilmahooda kabixiyaan lacagta Iskuulka, halka ardeyda qaarna ay xarumaha waxbarashada u imaan waayeen caafimaad darro iyo curada faafa oo ku dhacay” ayuu yiri Saciid Maxamed Faahiye.

Abaarta ka jirta gobolka Bari ayaa saameysay dadka iyo duunyada, inkastoo hadda deegaanno aan badneyn oo gobolkaasi ah uu ka da’ay roob.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW