U bood dhigaalka

Addisababa: 1,204 Ruux Ayaa La Xirxiray

Sheeko:Dalka

Taliska booliska magaalada Addisababa ayaa shaaca ka qaaday in dad fara badan loo xirxiray mudaharaadyo rabshado watay oo ka dhacayay maalmihii dambe magaaladaasi.

Tirada boolisku ay xirxireen oo lagu sheegay in ka badan tahay 1,200 (Kun iyo Laba Boqol ) oo qof ayaa ka badan seddex jibbaar tii horay looga dhawaajiyay.

Taliyaha booliska magaalada caasimadda Itoobiya ee Addisababa Degfie Bedi ayaa tilmaamay in dadka ay dibadbayadii rabashada watay ay xabsiga u dhigeen ay gaarayaan 1,204 ruux.

Isagoo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin rabashada ka soconayay magaalada Addisababa.

Mudaharaadyadaasi watay rabashada ayaa Addisababa ka curtay 12-kii bishaan waxayna socdeen illaa lix cisho kuwaasoo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba.

Taliyaha ayaa tilmaamay in intii ay Addisababa ka ooganaayeen dibadbaxayaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 28 ruux.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa in dhowaana ahba la kulmaysay dibadbaxyo rabshado wata oo ka soconayay meelo kamid ah wadanka Itoobiya siiba magaalooyinka Addisababa iyo Jigjiga.

Dibadbaxyada oo khasaare geystay ayaa suntan colaado muddo dheer ka dhex aloosnaa qowmiyadaha wada deggan dalka Itoobiya.

Goobjoog News