U bood dhigaalka

Admiraal Khaliif Idiris “Jabuuti Raali Haka Noqoto Hadalkii Madaxweyne Farmaajo”

Sheeko:Dalka

Sarkaal hore, Admiraal Khaliif Idiris oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ka raaligelinayaa hadalladii ay ka caroodeen ee madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Asmara ee dalka Eretria.

Waxa uu sheegay Idiris in Madaxweyne Farmaajo ku fududaayay safarkaasi islamarkaana ahayd kahor inta aanu aadin inuu tago Jabuuti si wadatashi ula sameeyo madaxweynaha Jabuuti oo Soomaaliya wax badan u qabtay.

Sidoo kale, Khaliif Idiris ayaa sheegay in shacabka Jabuuti ka raaligelinayaan wax walbo oo dhacay, islamarkaana aanu ahayn war ay u dhan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isaga oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eretria ayaa dalbaday in xayiraadda hubka saaran laga qaado dowladdaasi oo dagaal kula jirta Jabuuti.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News