U bood dhigaalka

Afar Qof Oo Isku Qoys Ah Ayaa Maanta Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Kaam Ku Yaalla Magaalada Boosaaso (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Dab ka kacay saaka kaam ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, laguna magacaabo Kaamka 55-aad ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen 4 qof oo isku qoys ahaa.

Dabkaan ayaa si gaar ah uga kacay hoyga ay dadkani deganaayeen, kaas oo illaa iyo iminka aan la xaqiijin waxa keenay in dabkaasi uu kaco.

Qof ku sugan halka dabka uu ka dhacay ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen Hooyo, Seygeeda, Canug ay dhaleen iyo sidoo kale wiil la dhashay hooyada qoyska.

Dadkii ka dhawaa halka dabka uu ka kacay ayaa isku dayay in ay gurmad sameeyaan, hase ahaatee waxa ay u tageen qoyskii halkaasi wada deganaa oo wada gubtay misane Meyd wada ah.

Hoos ka arag sawirada

Dab4 Dab3 Dab2 Dab1

Goobjoog News