U bood dhigaalka

Afgambi dhicisoobay oo ka dhacay Jarmalka

Sheeko:Dalka

25 qof ayaa lagu xiray howlgalo ka dhacay guud ahaan dalka Jarmalka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan dowladda.

Jarmalku waxa uu sheegay in kooxdan xagjirka ah ee midigta-fog iyo kuwo hore uga tirsanaan jiray milatariga ay qorsheeyeen in ay xoog ku galaan dhismaha baarlamaanka ee Reichstag oo ay awoodda la wareegaan.

Aristocrat yar oo lagu tilmaamay Prince Heinrich XIII, 71, ayaa lagu eedeeyay inuu udub dhexaad u ahaa qorshahooda.

Sida laga soo xigtay xeer-ilaaliyeyaal federaal ah, waa mid ka mid ah laba eedaysane oo lagu eedeeyay inay hormuud ka ahaayeen kuwa lagu xiray 11 gobol oo Jarmal ah.

Xubanaha afgambiga ayaa la sheegay in ay ku jiraan xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa xagjirka ah ee Reichsbürger [Muwaadiniinta Reich], kuwaas oo in muddo ah  booliiska Jarmalka uu ku daba jiray.

Qiyaastii 50 qof oo rag iyo dumar isugu jira ayaa lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen kooxda afgambiga, waxaana la sheegay inay maleegayeen inay afgembiyaan jamhuuriyadda oo ay ku beddelaan dawlad cusub oo loo qaabeeyey Jarmalka sannadkii 1871-kii oo ahaa boqortooyo la odhan jiray Reich labaad.

Saddex kun oo sarkaal ayaa ka qeyb qaatay 130 weerar oo ka dhacay dalka intiisa badan, iyadoo labo qof lagu xiray dalalka Austria iyo Talyaaniga. Dadka la xiray ayaa lagu waday in su’aalo la weydiiyo gelinka dambe ee maanta.

Wasiirka cadaalada Marco Buschmann ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in hawlgal wayn oo ka dhan ah argagixisadu uu socdo, lagana shakisan yahay “weerar hubaysan oo lagu qaado Jarmalka.

Goobjoog News