U bood dhigaalka

Afhayeenka Seeraar “Puntland Waxaan La Garab Taagannahay Taageerro Dhan Walbo Leh”

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in taageero dhan walbo leh ay la garab taagan yihiin maamulka Puntland oo dhawaan ciidamadiisu dagaal la galeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka maamulkaasi Cabdinaasir Seeraar Maax oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan guushii uu sheegay in Puntland ka gaartay dagaalladii ay la gashay Al-shabaab.

“Annaga ka Jubbaland ahaan waan la soconnay dagaalladii ka dhacay Puntland, waxaan maskax ahaan, mooral ahaan iyo ficil ahaan aan u garab taagannahay una garab taagnaan donnaa ciidamada Puntland, marnaba raali kama noqoneyno dhibaato ka dhacda Puntland, waxaan Puntland la garab taagannahay taageero dhan walbo leh” ayuu yiri Afhayeen Seerar.

Sidoo kale waxa uu sheegay Afhayeenka Jubbaland in dagaalladii ka dhacay Puntland ay casharro u noqon doonaan Xarakada Al-shabaab oo uu tilmaamay in markale aanay ku degdegi doonin weeraro ay ku qaadaan Puntland.

Deegaanno ka mid ah gobollada Mudug iyo Nugaal waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab, waxaana dagaalladaasi guulo ka sheegtay maamulka Puntland.

Goobjoog News