U bood dhigaalka

AFRICOM oo ka hadashay duqayn ay Soomaaliya ka fulisay

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda africa ee loo yaqaanno AFRICOM, ayaa faahfaahin ka bixiyay duqayn dhanka cirka ah oo diyaaradaha Maraykanka ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga gobalka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada maraykanka oo kaa shanaya saaxiibadooda Soomaaliya ay howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah ururka alshabaab ay ka fuliyeen deegaanka Teedaan iyo deegaanno hoostaga todobaadkaan.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in duqaynta ay ku burburiyeen fariisimo ay alshabaab lahaayeen, sidoo kalena ay ku dileen xubna ka tirsan ururkaas.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan  Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.

Sikasta ciidamada maraykanka ee qaaradda africa ee loo yaqaanno AFRICOM, ayaa Soomaaliya ka fuliya howlgallo ka dhan ah ururka shabaab.