U bood dhigaalka

AFRICOM oo war ka soo saartay duqayn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaanno AFRICOM, ayaa sheegay in ay duqayn ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka alshaab.

Duqayn ka dhacday deegaan u dhaw degmada Jilib ee gobalka Jubbalada Dhexe sidoo kalena magaalada Muqdisho u jira qiyaastii 370 km, ayaa la sheegay in ciidamada AFRICOM, ay ku dileen xubin shabaab ka tirsan.

Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaanno AFRICOM, ayaa sheegay in khiimaynta horudhaca ah aysan muujinaynin wax dhib ah oo soo gaaray dadka shacabka.

Maraykanka ma uusan sheegin sarkaalka ay dileen magaciisa, balse dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in duqayntaas lagu dilay Cabdullaahi Nadiir, oo kamid ah xubnaha shabaab.