U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Doorashooyin Ku Qabaneysa Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa kasoo horjeestay doorashooyinkii aqalka sare ee dhowaan lagu qabtey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna ee Galgaduud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay hadda degmada Dhuusamareeb ka socoto qorshe lagu diyaarinayo doorashooyinka Labada aqal.

“Waxaan u caddeyneynaa beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed in dorashooyinkiii ka dhacay Cadaado iyo kuwa dhici doonaba aaney ahayn kuwo matala gobollada dhexe, wax ka jira malahan waxyaabahaasi oo dhan, sidoo kalena annaga ka maamul ahaan aan aqoonsaneyn, annaga waxaan diyaarineynaa doorashada xildhibaannadii Labada aqal, waxaan ku diyaarineynaa degmada Dhuusamareeb” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sidoo kale Shaakir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay tagaan degmada Cadaado.

“Aad ayaan uga xunnahay in ciidamada Jabuuti ay tagaan Cadaado oo ay dhahaan annaga ayaa idiin askar ah, waliba caddaalad darada ku gacan siinaya markii AMISOM-ta kale ay diideen iney Cadaado tagaan” ayuu yiri Maxamed Shaakir.

Ahlu-sunna Waljameeca gaar ahaan xubnaha ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug ee hoggaamiyaha ka yahay C/kariin Xuseen Guuleed.

Goobjoog News