U bood dhigaalka

Ahlu-Sunna oo Doortay Guddoon Baaralmaan

Sheeko:Dalka

Doorasho oo waqti badan socotay oo ka dhacday magaalada Dhuusomareeb waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka  Ahlu-sunna loo doortay Saadaq Sheikh Yuuf  oo horay u soo qabtay jagada Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Ahlu-Sunna ee Goballada Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa loo doortay C/llaahi Guray oo horey u hayay guddoomiye ku xigeenka golaha talada ee maamulkii Ahlu-sunna iyadoo guddoomiye ku xigeenka 2-aad loo doortay Sheekh Siciid Maadix.

Ugu horreyn, waxaa goobtii doorashadu ka dhacday ka  hadlay Shaacir Sheekhow Maxamed oo ahaa shir guddoonka kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Ahlu-sunna, waxa uuna yiri: “Waxaan rabaa inaan idiin mahadceliyo guddiga dabanqaabada oo shaqadan culeyskeedii soo gabagabeeyay oo nagu soo wareejiyay annagoo xildhibaanno ah aadbaan ugu mahcelinayaa dadaalkii badnaa oo ay qabteen”.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Ahlu-Sunna Saadaq Sheekh Yuusuf oo hadlay ayaa yiri:

“Halkaan waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannada codka aad isiiseen oo aad ii siiseen inaan idin hoggaamiyo oo annaga iyo idinkuba u shaqeynno dalkeenna iyo diinteenna, waan gudan doonaa xilkaas”.

Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu-sunna ayaa ah mid goonni taagan kana madaxbanaan , sida ay sheegtaan, maamulka Galmdug oo ah kan sharciga ah dowladda federaalka Soomaliya ay aqoonsan tahay.

Goobjoog News