U bood dhigaalka

Ahlu Sunnah oo Shir Maamul U Sameyn Ka Furtey Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furey shir maamul loogu sameynayo gobolada dhexe, waxaana shirkaasi ka qeybgalay ergo ka kala socotey deegaano kala duwan oo ka tirsan Mudug iyo Galguduud.
Hase yeeshee ku simaha guddoomiyaha fulinta Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir oo shirka furitaankiisa ka hadlay ayaa sheegey in wali ay ergo maqanyihiin, islamarkaasina la sugayo, isaga oo ugu baaqay in dadka gobolada dhexe ay kasoo wada qeybgalaan shirka.
Dadkii shirka ka qeybgalay waxaa ka mid ah wafti sheegey in ay ka socdaan maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi.
Shirkani ayaa furmaya xili magaalada Cadaado loo fadhiyo shir kale oo maamul loogu dhisayo gobolada dhexe, laguna dhaariyey baarlamaanka uu maamulkaasi yeelan lahaa.
Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa isku fahmi waayay arrimaha maamul u sameynta, iyada oo Ahlu Sunna ay soo bandhigtey shuruudo, balse aanan laga aqbalin.
Goobjoog News