U bood dhigaalka

Akhriso: 8 Sano iyo Sooyaalka Wadahadaladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland

Sheeko:Dalka

Somaliland waxaa ay gooni isu taag iskeed ah ku dhawaaqay May 18, 1991, 30 sano kadib  ma jiro hal dal oo adduunka ka tirsan oo aqoonsaday, waxaa intaasi barbar socotey in dalka intiisa kale aysan ka jirin wax dowlad Soomaaliyeed ah oo wadahadal la gasho si tabashooyinkooda wax oga qabato. Sidaasi oo ay tahay Somaliland markasta waxa ay diyaar u ahayd in ay miiska wadahadalada soo fariisato, waxayna mar uun sugeysey dowlad rasmi ah oo dalka ka dhalata.

Dhanka, wadahadallada, markii ugu horeysey oo lasoo hadal qaadey wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo somaliland waa shirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London 23-kii Feberaayo, 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi kasoo baxay ayaa waxa uu dhigayay in beesha caalamka ay aqoonsato, islamarkaasina taageerto muhiimada ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Dhawr bilood kadib shirkaasi ayaa waxaa isla magaalada London ku qabsoomey shirkii ugu horeeyey oo fool ka fool isu soo horfariistaan, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Ergada Shirka oga qeybgashay Somaliland:

  1. Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
  3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
  4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka,Xuseen Axmed Caydiid iyo
  5. Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Ergada dowladda kmg ah ee Soomaaliya oga qeybgashay shirka

  1. Cabdisamad Macalin Maxamud: Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka
  2. Axmed Xasan Gaboobe: Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka.
  3. Cabdullahi Xaji Xasan Maxamed: Wasiirka Arimaha dibadda
  4. Cabdinasir Maxamud Cabdulle Garjeex: Wasiirka Maaliyadda.
  5. Jaylani Nur Ikar: Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta.

Dhanka Puntland, waxaa lagu soo daray Wasiirka arimaha gudaha: Jen: Cabdulahi Axmed Jama(Ilka Jiir) iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Daud Maxamed Cumar, arintaas oo ay ka biyo diiday Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay wax wada hadal ah la gali doonin Soomaaliya, iyada oo qoonsatay xubnaha guddiga dowladda KMG ah ay u soo magacawday wada hadalka, oo ay sheegeen inay ku jiraan laba xubnood oo ka yimid maamul goboleedka Puntland.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif inuu carqaladeynayo wada hadalka.

Cabashadaasi Somaliland kadib waxa ay dowladda Soomaaliya ku qasbanaatay in ay ergada ka saarto xubnaha ka socdey Puntland si wadahadalada u furmaan.

28-dii June, 2012: Shirkii kaasi xigey waxa uu dhacay taariikhda marka ay ahayd 28-dii June, 2012 kaasi oo markii ugu horeysey ay si rasmi ah u kulmeen madaxweynihii Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, wuxuu shirkaasi ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

13 April 2013: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku kulmay dalka Turkiga, iyadoo kulanka dhex maray uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Turkiga.

Kulankan waxaa uu ka dhacay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga, Waxaa labada wafti u kala dab qaadayey Wasiirka arimaha dibadda Axmed Daud Oglu, oo haatan ah Ra’isul Wasaaraha dalka Turkiga.

Waxaa halkaas lagu kala saxiixday heshiis ka kooban todobo qodob oo ay ka mid ahaayeen: In la sii wado wada hadalka, in labada dhinac isla ogolaadeen heshiisyadii labadii kulan ee ka horeeyay dhacay, wada xaajoodkana uu halkooda kasii socdaan, in labada dhinac ka howla galaan in Somaliland kaalmo caalami ah hesho iyo taageero hesho, Xoojinta labada dhinac ee nabad galyada oo la wadaago xogta, tababarada iyo deeqaha, in 90 cisho gudahood la isku yimaado iyo in la fogaado hadalo waxyeeli kara wada hadalada.

Mudadii u dhaxeysey 7 illaa 9 July 2013: Labada dhinac ayaa markale ku kulmey dalka Turkiga, waxaana la saaray gudi farsamo oo wadahadalada fududeeyo, kuwaasi oo loo xilsaaray in ay kasoo shaqeeyaan sidii shir kale la’isugu iman lahaa muddo 4 bilood ah.

15 January 2014: Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Somalia iyo Somaliland.

Ergadii Dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku wada hadlayay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kala saxiixday is afgarad.

Inkastoo qodobada ugu muhimsan wada hadalka sida gooni isutaagga Somaliland iyo Midnimada Somalia aan weli laga wada hadlin ayaa waxaa heshiiskan ka muuqda xoogaa horu mar ah marka la bar bar dhigo heshiisyadii hore.

Qodobada ugu muhimsan heshiiska waxaa ka mid ah, in laga garaabo dhibaatadii dadka reer Somaliland ka soo gaartay xukumadii dhexe ee miltariga, lana cambaareeyo.

Labada wafti waxaa kala hogaaminayey Wasiirka Arimaha Aminiga Qaranka ee Dowladda Somalia Cabdikarin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka Arimaha Amniga ee dowladda Somalia, Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in ujeedada dowladda Somalia ay ka leedahay wada hadaladan ay tahay in lagu qanciyo Somaliland ahmiyadda ay leedahay Midnimada Somalia.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna sheegay in wada hadalo ay ku socdaan qaab wanaagsaan isla markaana aaney jirin wax ka reeban in laga wada hadlo.

April 2, 2014: Wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliland oo ku saabsan maareynta hawada Dalka ayaa ka furmay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, ayadoo ay wada hadaladani daba socdaan qodobo hore la isugu af gartay oo quseeyay sidii loo gaari lahaa heshiis laba geesood ah.

Wada hadaladani oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa kala horkacayay Wasiirada Kala ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Saciid Jaamac Qorsheel iyo Maxamud Cali Xaashi.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Qorsheel oo ka warbixiyay wadahaladani ayaa sheegay in inta badan arrimaha laga wada hadlayo ay ku salaysan yihiin arrimo farsamo oo la xiriira sidii maamulka hawada loogu so wareejin lahaa Dalka Soomaaliya iyo in si wada jir ah looga wada sheeqeeyo maareeynta hawada Soomaliya.

Waxaa shirkani lagu gaarey is afgarad ah in labada dhinac ay isla maareeyaan hawada Soomaaliya oo markaasi uu socdey qorshe ah in gacanta dowladda lagu wareejiyo maamulkeeda.

November  30, 2014: Wada hadal kale ayaa dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii muddo hakad ay galeen wadahadalada, Wafdiga ka socda Maamulka Soomaaliland ayaa gaaray Magaalada Ankara,waxaana Hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis .

Wafdiga Dowladda ayaa waxaa Hogaaminaya wasiirkii hore ee Amniga Qaranka Xukumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

December 20, 2014: Shir ay ka qeybgalayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo ayaa ku qabsoomey magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxiixdey heshiis qeexaya in wadahadaladii hakadka galay mudada ay dib u furmaan.

Qodobadii lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa

  1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an
  2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn.
  3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen.
  4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dowlado saxiib ah, gaar ahaan dowladda Jabuuti haddii loo baahdo.
  5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara , in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo burcad badeedka.
  6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo  ee 2015 oo maalmo ka harsanyihiin kana dhaco stanbul.

March 3, 2015: Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo fashilmay: Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa kusoo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa. Waftiga dowladda Odawaa ayaa hogaaminayey.

July 11, 2015: Somaliland ayaa ku eedaysay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in aysan daacad ka ahayn fulinta heshiiskii maamulista hawada ee sandkii hore lagu saxiixay dalka Turkiga.

Wufuud labada dhinac ka socota iyo hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada oo ku kulmay Nairobi ayey shirka ka baxeen kooxdii Somalilad kaddib markii ay sheegeen in shirkaasi lagu soo bandhigay qabya qoraal aan waafaqsanayn heshiiskii Turkiga. 

October-21-2015- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka war bixiyay shir afar geesood ah oo ay kaga qayb galeen dalka Turkiga isla markaana lagaga wada hadlayay hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka kala socda dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Madax ka socota Hay’adda Duulimaadyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ICAO. Iyo Madax ka tirsan Dawladda Turkiga, shirkaas wax badan kama soo bixin.

July 17, 2019: Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran oo hoggaamiyaha wada haddallada lala galayo Somaliland, Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow),  Dr.Cali Siciid Fiqi, Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse iyo Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli)

Ujeedka Guddiga:

  1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
  2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
  3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
  4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
  5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

February 11, 2020: Kulan uu ka shaqeeyey ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa Adis Ababa ku yeeshay madaxweyneyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

June 14, 2020: Wada hadal ay garwadeen ka yihiin Mareykanka, gogolna u dhigeen Djibouti, goobjoobna ka tahay Itoobiya waxaa caasimadda Djibouti ku yeelanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

W/Q: Cabdicasis Axmed Gurbiye,