U bood dhigaalka

Akhriso: Ciidamo Gadoodsan iyo Xiisad Ka Taagan Baladweyne.

Sheeko:Dalka

Waxaa aad u kacsan xaaladda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kadib markii ay xiisad ka dhalatay kursi kamid ah kuraasta golaha shacabka in loo xiray shaqsi gaar ah.

Ciidamo gadoodsan ayaa xalay illa saaka xiisad ka dhex taagay gudaha magaalada Baladweyne, kuwaas oo ka soo horjeeda in shaqsi gooni ah loo xiro kursiga HOP#030,  kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Hirshabeelle.

Qaar kamid ah saraakiisha hogaaminaysay ciidamada gadoodka sameeyay ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe,  Ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan  ku eedeyay in aysan ka aqbali doonin in dadkooda isku diraan.

Ciidamada gadoodka sameeyay oo ah kuwa ka soo jeeda beesha iska leh kursiga HOP#030, ayaa sidoo kale sheegay in ay rabaan in kursigaas ay u tartamaan musharixiinta oo dhan.

Baladweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe iyo  Ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa xalay kulan la qaatay inta badan musharixiinta u taagan qabashada kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baladweyne.

Goobjoog News