U bood dhigaalka

Akhriso: Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo deegaanka  Ceel-Cadde ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Ciidamada dowladda iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna ka tirsan ururka alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada macwisleyda ah ay ku lahaayeen deegaanka  Ceel-Cadde.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka ay sheegayaan in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka jira deegaanka.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go,an taasi oo adkeyneeysa in warar sax ah laga helo khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la sheegaya in Al-shabaab ay gubeen dhawr Guri oo degaanka ah.
Maamulka gobalka Hiiraan iyo kan Hirshabeelle, ayaanan weli wax war ah oo rasmi ah ka soo saariin dagaalka  Ceel-Cadde ku dhexmaray ururka alshabaab iyo ciidamada macwisleyda oo kaashanaya kuwa dowladda.

Goobjoog News