U bood dhigaalka

Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ciidamada DFS Lagula Eegtay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay wadada isku xirta degmooyinka B/weyne iyo Maxaad ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsa ciidanka xoogga dalka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in miinadan ay la kacday gaari ay la socdeen ciidamada, xilli howlgallo ay ku jireen.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay Shan askari oo ka tirsan ciidanka dowladda,  kuwaasi oo hadda lagu daweynayo B/weyne.

Ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo laga bixiyey miinadan, balse ciidanka dowladda ayaa maalmaha waxay howlgall ka dhan ah Al-shabaab ka wadeen gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxa ay ku sheegteen mas’uuliyadda qaran.

Goobjoog News