U bood dhigaalka

AKHRISO: Magacyada Wasiirada Cusub Ee Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

 

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay golahiisa wasiirada cusub, kadib markii wasiiradii hore ay kalsoonida kala laabteen golaha wakiilada ee maamulkaasi.

Wasiirada la magacaabay guud ahaa waa 53, 20 wasiir, 20 ku xigeen iyo 13 wasiiru dowle.

Goobjoog News waxay idiin soo gudbineysaa magacayada 20-ka wasiir.

Liiska wasiirada:

1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR
4. Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada
5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka
9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
12. Maryan Axmed Cali Wasiirka Hormarinta Haweenka
13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
15. Cabdulaahi Sh. Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Deegaanka
18. Cabdirshiid Maxamed Xirsi wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
19. Cabdi khadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
20. Cabdiraxman Sh. Axmed Wasiirka Shaqada Shaqalaha iyo Ciyaaraha