U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa looga hadlay kulanka Guddoonka Golaha Shacabka iyo Qaar Kamid Ah Guddoonka Baarlamaanada DG

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh  Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah guddoomiyayaasha golaha wakiilada maamulada dalka.

Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo uu wehlinayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka  Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle  Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal iyo guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed Cali Saciid Fiqi.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta baarlamaanka federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hirshabelle Galmudug iyo Xildhibaan Cali siciid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay golaha shacabka.
Goobjoog News