U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle?

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay Shirka golaha wasiiradda maamulka, kulanka  Golaha ayaa looga hadlay arrimaha dhowr ah, kuwaas oo ugu horeyso dardargalinta amniga, dhismaha goleyaasha deegaanka iyo mashaariicda horumarinta dhinaca Beeraha.
Madaxweynaha ayaa wasaaradda amniga gudaha ka dhageystay warbixinta howgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay wasiirku in laga gaaray guulo muhiim ah iyadoo dagaalamayaasha Al-shabaab laga saaray  deegaaano dhowr ah..
Madaxweynaha ayaa sidoo kale  wasiirka  arrimaha gudaha ka dhageystay warbixinta qorshaha kaga aadan dib u bilaabida dhismaha goleyaasha deegaanka iyadoo wasiirku  sheegtay in dhowaaan ay bilaabi doonto dhismaha gole deegaan si bulshadu isu doorato, maadaama deegaanno badan oo Hirshabeelle aysan la heyn gole.
Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka ayaa golaha u soo gudbisay warbixinta shaqooyinka socda ee lagu hagaajinayo Kanaalada biyaha iyo kuwa la rajeynayo in wax ka qabad lagu sameeyo, wasaaradda Beeraha ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan qorshe lagu horumarinayo beerista Bariiska iyo dalagyada kala duwan.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay xubnaha golaha wasiiradda isagoo kula dardaarmay inay dardargaliyaan qabashada shaqooyinka culus ee horyaala, madaxweyne Guudlaawe ayaa dhowaan soo dhisay xukuumadda iyagoo la sugayay ku dhowaad laba sano oo khilaaf hareeyay sidii loosoo magacaabi lahaa wasiirrada.
Goobjoog News