U bood dhigaalka

Akhriso :- Nuxurka khudbadii Madaxweynaha Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga Magaalada Washington, ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta Machadka caalamiga ah ee siyaasadda falanqeeya ee Heritage, waxaanu ka hadlay xaaladda Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay ee ay ku soo gaadhay inay noqoto mid ka mid ah dalalka ugu xasiloon, uguna dimuqraadisan mandaqada gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu horeyn sheegay inay shacbiga Somaliland ay dalka Ukraine la dareemayaan xannuunka iyo dhibaatada duqeynta, dilka rayidka iyo burburinta Magaalooyinka ee Ruushku ku qaaday Ukraine, waxaanu tilmaamay inay JSL soo martay duruuf taas la mid ah oo dawladdii Soomaaliya ku xasuuqday shacbiga Somaliland isla markaana ku burburisay magaalooyinka dalka oo dhan, taasina ay sababtay in ummadda reer Somaliland noqoto qoxoonti.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in JSL kaga duwan tahay oo kaliya Ukraine inay Somaliland burburinaysay dawladdii Soomaaliya ee ay wada lahaayeen.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay colaad iyo xumaato u hayso Somaliland, isla markaana ay awoodeedii iskugu geysay inay isku daydo inay curyaamiso dawladda Somaliland siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey inay Somaliland xeebaheeda ka hirtay budhcad baddeeda, isla markaana ay la casriyeeyey marsada Berbera oo xilligan isu diyaarinaysa inay noqoto xuddunta marin ganacsiyadeedka gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in bogcadda muhiimka ah ee ay ku taallo iyo duruufaha ka jira gobolka Geeska Afrika ay Somaliland ka dhigeen mid muhiimad ballaadhan u leh gobolka iyo beesha caalamkaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu xusay in wadahadalladaas oo la bilaabay sannadkii 2012kii Qoddobkii lixaad ee ka soo baxay shirkaasi uu dhigayey in labada dhinac u wada hadlaan laba dal oo siman, waxaanu iftiimiyey in aan laga gaadhin horumarkii laga filayey isla markaana qoddobadii farsamo ee lagu heshiiyey ay mar walba carqadeynaysay Soomaaliya. Waxaanu tilmaamay in 9 wareeg oo labada dal ku kulmeen tobankii sannadood ee la soo dhaafay ay burburisay dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu xaqiijiyey inay JSL sii wadayso wax kasta oo ay ku heli karto aqoonsi caalamiya. Waxa kaloo madaxweynuhu sheegay inay shacbiga Somaliland yihiin dadka kaliya ee dalkooda la burburiyey ee dawladnimadooda dhistay, iyadoo aanay jirin dal kale oo caawiyey.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Midowga Afrika ay uga maagaan aqoonsiga Somaliland iyagoo ka baqaya in dalalka kale ay qaadaan jidka ay Somaliland martay oo kale, waxaanu xusay in wefti xaqiiqo raadis ahaa oo Midowga Afrika u soo diray JSL sannadkii 2005tii ay warbixintoodii ku sheegeen inay Somaliland u qalanto aqoonsi isla markaana madax-bannaanideedu tahay mid taariikhi ah.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo qabsaday 8 doorasho oo u dhacay hannaan xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyey caqladaha horyaala xiligan Somaliland, waxa uu bayaamiyey in ay ugu horeyso saboolnimada iyo dhaqaalaha dalka oo hooseeya, maadaama oo aanay jirin wershado.

Waxa kaloo oo uu intaas ku daray maadaama oo qas ka jiro dalalka la jaarka ah Somaliland ay taasi ku khasabtay inay miisaaniyadda Dawladda Boqolkiiba 33 lagu bixiyo ammaanka iyo nabadgelyadda.

Waxa kaloo uu soo bandhigay inay Somaliland ku naaloonayso dimuqraadiyad, xasilooni isla markaana ay taabogal tahay madax-bannaanida Saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka.