U bood dhigaalka

Akhriso: Shirka madasha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka furmayo

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka wadatashiga dowadda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkaan oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo duqa magaalada Muqdiso, ayaa looga hadlayaa ajendayaal dhowr ah.

Ajendayaasha shirka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah Maaliyaadda dalka, sidii loo xoojin lahaa wadatashaqaynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada qaar ee dalka.

Kulankaan ayaa la filaya in uu dhawaan ka furmo magaalada Muqdisho, marka ay soo wada xaadiraan caasimadda madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

Goobjoog News.