Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo muddo laba maalin ah uga socda madaxda madaxtooyada qaranka.
Shirkaan oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo duqa magaalada Muqdiso, ayaa looga hadlayaa ajendayaal dhowr ah.
Madaxda ayaa kulanka kadib ka soo saaray warmurtiyeed kii kasoo baxay kulanla labada maalin u socday hoggaamiyayaasha dalka.
Akhriso warmurtiyeedkii laga soo saaray kulankaÂ