U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Maxamed Qanyare Afrax

Sheeko:Amniga

Siyaasigii Maxamed Qanyare Afrax ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, Qanyare waxaa uu siyaasadda Soomaaliya caan ka ahaa 1991-2013-kii.

Maxamed Qanyare waxaa uu dhashay 40-tameeyadii qarnigii tagay, isaga oo muddo dheer ahaa ganacsade ka shaqeysta dalka Kenya halkaasi ayuuna markii dambe ka taageeri jiray jabhadii ku kacay taliskii Siyaad Barre sida USC.

Maxamed waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenkii USC ee Maxamed Faarax Caydiid guddoomiye u ahaa, waxyar kadib waxaa ay isku dhaceen Caydiid, waxaa uu ku biiray dowladdii Cali Mahdi isaga oo noqday wasiirka arrimaha gudaha.

Qanyare waxaa uu ahaa hoggaamiye kooxeedyada ugu xoogga badan magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, oo Soomaalida loo qaabtay kuwaas oo ka dhacay Adis Ababa, Qaahira iyo meelo kale.

2004-tii, waxaa uu ka mid ahaa xildhibaannada, sidoo kale murashaxiinta u tartantay madaxtiinimada Soomaaliya isaga oo galay kaalinta 3aad kadib C/llaahi Axmed Caddow  iyo Cabdullahi Yuusuf.

Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka noqday Wasiirka Amniga Qaranka inkasta oo jagadaasi laga qaaday markii uu ku biiray Isbahaysiga la dagaalanka “argaggixisada”.

February 18, 2006, Qanyare iyo siddeed qabab-qable ee kale waxaa ay Muqdisho uga dhawaaqeen isbaheysiga la dagaalanka “argaggixisada”, kaas oo markii dambe ay meesha ka saareen maxaakiimta Islaamiga ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

2009-kii, waxaa uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo sheegay inuu mar kale u tartamayo madaxtinimada Soomaaliya kadib is-casilaaddii Cabdullahi Yusuf isaga oo yiri “ “Aniga Safarkii hore Musharaxa waan ahaa, hadana safarkan Musharax ayaa ahay, waxaa hadii la ii doorto qaban doonaa wax badan oo ay ka mid tahay in Soomaali aan isu keeno, nabadna ku soo dabaalo, xabad dambena aan qush laga siin”

2012-kii, waxaa uu ka mid noqoday baarlamaanka federaalka ah, laakin markii dambe May 2013-kii waxaa uu xilkii ku wareejiyey wiilkiisa Cabdiweli Qanyare, wixii xilligaasi ka dambeysay waa uu xanuunsanaa, maanta ayuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Goobjoog News