U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay banaanbaxyo ka socda Somaliland

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo deeganada Somaliland ayaa sheegaya in ay dhowr magaallo oo ka tirsan Somaliland ay ka socdaan banaabaxyo ka dhan ah xukuumadda oo ay soo abaabuleen xisbiyada Mucaaradka WADANI iyo UCID.

Banaanbaxa ugu wayn oo ay horkacayaan guddoomiyayaasha xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ka socda xaafadaha magaalada Hargeysa, halkaas oo ay taageerayaasha xisbiyada UCID iyo WADANI ay ka dhigayaan fagaarayaasha waawayn ee magaalada.

Waddooyinka Hargeysa ayay xukuumadda soo dhigtay ciidama fara badan, waxaana heegan la geliyaya ciidamada militeriga Somaliland, kuwaas oo ay xukuumadda dooneyso in ay ku hakiso isku soobaxa mucaaradka.

Rabshado ayaa laga soo warinayaa in banaanbaxa uu hareeyay, kadib markii ay ciidamada ay rasaas ku fureen dadka shacabka, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay rasaasta ay ciidamada fureen.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeyay caburinta ra’yiga dadweynaha.

Waxaa fashil ku dhamaaday shir ay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ay isugu yimaadeen, kaas oo looga hadlayay arrimaha isku soo baxa ay mucaaradka qorsheeyeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda ay xisbiyada u fasaxday in banaanbaxa ay ku qabsadaan fagaarayaasha xarrumaha xisbiyada oo aanan meel kale loo ogoleyn.

Dhinaca kale waxaa la jaray qadka Internet-ka taas oo adkeysay in saacidihii u dambeeyay xoga faahfaahsan laga helo deegannada Somaliland.

Wixii warar ah ee ku soo kordha arrimaha banaabaxa Somaliland kala soco  Goobjoog News