U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka TPLF iyo Dowladda Itoobiya

Sheeko:Dalka

Waxaa markale dib u qarxay dagaalka Woqooyiga dalka Itoobiya, kaas oo dhaxeeya ciidanka Itoobiya iyo jabhadda Tigray, waxaana uu dib uga qarxay magaalada Kobo oo ka tirsan gobolka Amxaarada, iyadoo ay sii kordhayaan iska hor imaadyada, labada dhinac , waxaana maqan isgaarsiinta magaalooyinka qaar ee lagu dagaalamay

Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in ciidamada Tigray ay magaalada ku soo qaadeen weerarro iyagoo ka soo galy “jihooyin badan”, waxaana wararka ay sheegayaan in dagaal kadib ciidanka ay isaga baxeen magaalada dagaalka uu ka bilowday u dhaxeeya jabhadda iyo dowladda.

Hase yeeshee dadka magaalada Kobo, ayaa BBC-da u sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay u qaxayaan tuulooyinka magaalada u dhow iyagoo lugeynaya ka dib markii ay joogsadeen adeegyadii gaadiidka sababo la xiriira dagaallada soo cusboonaaday, kaas oo aad u xoogan dadkuna ay kala baxsanayaa waxyeello kasoo gaarta.

Magaalada ayaa ku taal meel u dhow goobihii uu dagaalku ka soo cusboonaaday horaantii todobaadkan. Wali ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay ciidamada Tigreega, marka laga reebo eedaha dowladda Itoobiya ay u jeedisay ee ah in ciidanka Jabhaddu iyagu weerarka kusoo qaadeen gobolka Amxaarada ee Waqooyiga dalkaasi.

Dagaalka gobolka ayaa waxaa uu qaraxay sanadkii 2021-ka, waxaana dowladdu ay sheegtay in ay soo gabagabeysay oo laga adkaaday jabhadda, laakiin waxaa soo baxaysa in weli ay ku xoogan yihiin goboladii dagaaku uu ka dhacay sanad ka hor iyaga oo markale soo rogaal celiyay, dagaalka ayaa sababay barakac ay samaynayaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada