U bood dhigaalka

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Doorashada Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulan u dhaxeeyay xisbiyada mucaaradka UCID iyo WADANI ee Somaliland iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen hoggaanka saddexda xisbi ee Somaliland oo uu ku jiro madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday kadib markii ay isku fahmi waayeen qodobada qaar ee kulanka looga hadlayay.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in isfahm waagu uu sababay in ay sii kala fogaadaan labada dhinac.

Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay madaxda xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan,  oo ah guddoomiyaha xisbiga WADANI ayaa sheegay in aysan haba yaraate aysan jirin qodob ay ku afgarteen madaxweynaha, sidoo kale waxa uu madaxweynaha uu ku eedeyay in uu fashiliyay kulanka.

“Kulankii labada Xisbi Mucaarad iyo Xukuumadda oo garabkeedu yahay Xisbigeeda waxa uu ballanku ahaa in la kulmo 18ka May kaddib, min labo xubnood oo ka socda saddexda saddexda Xisbi ayaa kulmay, afar xubnood ayaan ku tagnay, Markii wadahadalka uu furmay, ajandaha aan ula tagnay waxa uu ahaa arrinta Doorashada ee la isku maan-dhaafsanaa in Madaxweynuhu uu ka daayo carqaladda, In uu faraha kala baxo Komishinka Doorashada oo ah mid madaxbannaan, in la isla waafaqo xiliga doorashada oo ah 13ka November in la isku waafaqo jadwalka balse mugdi ayuu geliyay, waxba islama garan” ayuu  yiri Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Khilaafkaan ayaa salka ku haaya isfaham waa dhanka doorashada ah oo soo kala dhaxgalay xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada