U bood dhigaalka

Akhriso: Warsaxaafadeed Ka Soo baxay Somaliland Oo Ku Aadan Shirka Brussels Iyo Tukaraq

Sheeko:Dalka

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa looga hadlay Shirka ka socda magaalada Brussels ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda Soomaaliya, amniga iyo dhaqaalaha.

Waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay Somaliland in shirkaasi uusan khuseynin ugana duwaneyn shirarkii hore uga dhacay Muqdisho iyo Garoowe.

Somalilnad waxay sidoo kale  ka hadashay xaaladda deegaanka Tukaraq waxayna tilmaantay in ay waddo waanwaan lagu qaboojinayo colaadda mudada ka jirta degmada Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamado kala taabacsan Somaliland iyo Puntland.

Haddaba halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

“Dabbaal-degga munaasibaddii 26-kii June 2018, madaxweynaha Somaliland iyo shir-guddoonka guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.

Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimid halkan.

Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.

Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo  Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.

Dhawaan waxa madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay golaha wakiillada xeerka doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyey komishanka doorashooyinka qaranka iyadoo ay kala qayb-qaateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan qoondada haweenka iyo beelaha gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiilada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.

Ugu danbayn madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Marnaba ma soo jeedin in sidii hore lagu galo doorashooyinka golaha wakiillada, mana shaacin saami-qaybsiga kuraasida gobollada, xukuumaddana waxa ka go’an xaqiijinta geeddiga dimuquraaddiyadda ee doorashooyinka, waxaana xil ka saaran yahay qabsoomidda doorashada oo xilligeedii ku dhacda”.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada