U bood dhigaalka

Al-caddala: Rooble Qorshaha Uu Ku Tegay Dhuusamareeb Kuma Jirto In Uu Wada-hadal La Gallo Ahlu-sunnada Hubaysan

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihi la soo dhaafay leysla dhexmarayay oo ku aaddan socdaalka Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble uu ku tagay Dhuusamareeb in ay qeyb ka tahay wadahadallo uu la galo Ahlu-sunna.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-cadaala ayaa sheegay in socdaalka Ra’iisul wasaaraha uusan marnaba qeyb ka aheyn in uu la kulmo ama wada-hadal la gallo Ahlu-sunna.

“Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble qorshaha uu ku tegay Dhuusamareeb kuma jirto in uu wada-hadal la gallo Ahlu-sunnada hubaysan.” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-cadaala.

Hoggaanka Ahlu-sunna ayaa hadda kusugan deegaanka Bohol kadib markii wadahadal ay garwadeen ka ahaayeen ganacsato iyo Siyaasiyiin ay isaga baxeen magaalada Guriceel oo ay muddo todobaad ah kula dagaalamayeen Ciidamada dowlad gobaleedka galmudug iyo kuwa dowladda federaalka.

Dagaalka Ahlu-sunna iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 100 kun oo qof sida ay sheegtay Qaramada midoobay.

Goobjoog News