U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Qof Ku Toogatay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maanta dagaalyahannada Al-shabaab ay ku toogteen halkaasi nin ay sheegeen inuu kamid ahaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shaqsiga ay  toogteen ciidamada Al-shabaab ayaa lagu magacaabayey Sahal Axmed Rasle, waxaana ay ku toogteen meel fagaaro ah.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buq-aqable ayaa sheegaya in Al-shabaab ay guryahooda kasoo bixiyeen shacab badan, si ay u daawadaan toogashadan dhacaysa.

Sidan oo kale, Al-shabaab ayaa marar badan u toogtay dad ay sheegeen iney la shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo AMISOM.

 

Goobjoog News