U bood dhigaalka

Alshabaab oo dad shacab ah ku dilay gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dad shacab ah oo ay ururka alshabaab ku dileen deegaan hoostaga gobalka Gedo, gaar ahaan xadka Soomaaliya iyo Keenya.

Inta la xaqiijiyay 12 qof ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobalka Gedo.

Dadka la dilay ayaa ku sugnaa deegaanka oo laga qodayay ceelbiyood ay dadka ka cabaan, xilli saameyn balaaran ay deegaanka ku reebtay abaarta.

Alshabaab ayaa gubay gaarigii ceelka qodayay iyo injineeradii la socday iyo dad kale oo shacab ah, waxaana ay burburiyeen dhammaan qalabkii ceelka lagu qodayay.

Goobjoog News