U bood dhigaalka

Alshabaab Oo Dhaqdhaqaaqyo Ka Wada Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalyahannada Alshabaab ay ka wadaan howlgallo iyo dhaqaaqyo ciidan.

Sida ay Goobjoog News xogta ku heleyso dagaalyahanno ka tirsan Shabaab oo ka soo baxay degaanno ka tirsan dhanka bari ee gobolka Galgaduud ayaa soo gaaray degaanno hoostaga magaalada Cadaado.

Degaanka Ay Alshabaab gaareen waxaa la yiraahdaa Qaa’ib wuxuuna hoostaga Cadaado isagoo u jira qiyaas dhan 95KM.

Dadka degaanka oo la hadlay wariyaha Goobjoog News ee Cadaado ayaa ka soo xigannay in dagaalyahannada Alshabaab ee yimaaday halkaasi ay wataan baabuurta dagaalka oo gaaraysa illaa 20 Tikniko.

Wararku waxay tilmaamayaan in Xarakada Alshabaab ay halkaasi ka sameyneyso dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan la ogeyn ujeeddooyinka ay xambaarsan yihiin.

Dowladda Galmudug ayaa weli wax faahfaahin ah ka bixin dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ay ka billaabeen degaanno hoostaga Cadaado, waxaana arrimahani ay ku soo aadayaan iyadoo dhowaan dad shacab ah iyo Alshabaab ay ku wada dagaallameen degaanno hoos yimaada magaalada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug.

Goobjoog News