U bood dhigaalka

Alshabaab oo lagala wareegay deegaan hoostaga gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada xoogga dalka ayaa ururka alshabaab kala wareegay tuulada Tardo, oo hoostagta gobalka Hiiraan, kadib howlgal ay saaka ku qaadeen ciidamada dowladda.

Tardo ayaa 15-km u jirta tuulada Ceel-dheere ee gobalka Shabeellaha dhexe, waxaan xarunta xarunta degmada Aadan-yabaal ay u jirto 40-km

Tuuladaan ayaa kamid ah tuullooyin ay alshaab muddoyinkii la soo dhaafay ku sugnaaye, waxaana gacan ku haynta tuulada la wareegay hadda ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Xds ee Danab G/le dhexe Axmed Cabdullahi Beeryare, ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta tuulada, howlgaladana ay sii wadi doonaan.

Goobjoog News